Our YouTube Chanel Smiley face Logo_Dahabshiil_cusub Smiley face

Dhageyso deegaanada ay ka socdaan dagaalada u dhaxeeya ciidanka dowlada iyo dhaqdhaqaaqa Alshabaab

Filed under: Wararka |

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay dib uga baxeen deeganadii Shalay ay Al-Shabaab kala wareegeen kadib howlgal ay sameeyeen.

Ciidamada Dowladda oo garab ka helayay kuwa Cadaan ah ayaa arroornimadii hore ee Isniintii shalay waxa ay weerar ku qaadeen tuulooyin hoostaga Afgooye sida Bariire,Awdheegle iyo tuulooyin kale oo ay la wareegeen.

Guddoomiye Ku Xigeenka Shabeellaha Hoose Cabdfataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid lagu burburiyay Koontoroolo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab isla markaana tuulooyin farabadan ay isku ballaariyeen Ciidamadu.

Wararkii u dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay dib uga soo laabteen deegaanadii ay la wareegeen isla markaana ay haatan ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka.