Xubin ka tirsan aqalka wakiilada dalka Nigeria ee laga soo doorto gobolka Kebbi ayaa guuriyay 100 gabdhood oo agoon ah kadib xaflad heer qaran ah oo la qabtay maalinnimadii Sabtida.
100-ka gabdhood ee agoonta ah ayaa lagu meheriyey qasriga Boqorka Kabin Argungu Alhaji Ismaaciil Muxammad oo guddoominayey xaflada meherka.
Bandhigga ayaa soo jiitay indhaha dadka ku dhaqan deegaankan Kebbi ee waqooyi galbeed dalka Nigeria.
Caruusyada iyo caruusadaha ayaa mid mid loo meheriyay kadib markii lagu dhawaaqay bixinta Meherka iyo qudbadaha loogu tala galay reeraha cusub ee dhismaya, iyagoo la guddoonsiiyay alaabaha guryaha.
Mid kasta oo ka mid ah caruusyada ayaa waxa la guddoonsiiyay sariir iyo kursi aad u qurux badan iyo agab kale sidoo kale waxyaabaha la guddoonsiiyay waxaa kamid ahaa kitaabo Qur’aan oo iyaga loo hadiyeeyay.
Xildhibaanka ayaa guddi u saaray xaqiijinta guurka agoonta. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu sii wadi doono guurinta iyo nolol u sameynta caruurta agoonta ah sanad waliba mudada afarta sano ah ee uu ku jiro baarlamaanka federaalka.
Gabdhaha caruusyada ah iyo wiilasha guursadayba waxaa wajiyadooda laga dheehan karay farxad badan iyo sida ay ugu faraxsanyihiin reeraha cusub ee loo dhisay sababo la xiriira sida fudud ee looga caawiyay in ay ay qoysas dhistaan taas oo qaarkood in badan ay a fikiri jireen sida ay reer iyo mustaqbal u sameysan doonaan.
Mid ka mid ah Aroosyada oo lagu magacaabo Xafsat Ismaaciil Haaruun ayaa guurka ku tilmaantay dhacdo weyn oo nolosheeda qayb ka ah iyo guul usoo hoyatay.
“Tani ma ahan mudnaan yar sababtoo ah marnaba kuma fikirin inaan guursan doono mar dhow sababtoo ah ma garanayo hooyaday iyo aabbahay,” ayay tiri.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Argungu/Augie ee laga soo doortay golaha wakiilada mudane Sani Yakubu Noma oo isagu xil iska saaray in uu guuriyo boqolkan gandhood ee agoonta ah ayaa sheegay in uu garanayo dhibaatada ay la kulmaan agoonta maadaama uu agoon yahay, taasina ay tahay sababta uu ugu dadaalay in uu guurkan agoonta hir geliyo.
Sidoo kale waxa ay uga mahadceliyeen Xildhibaankooda sida wanaagsan ee uu ula shaqeeyay una guuriyay.
Arrintan ah in dhallinyaro badan hal mar la’isu guuriyo isla markaana laga caawiyo guurka da’yarta aan awoodin oo ka bilaabmay gobolka Kano ee dalka Nigeria, ayaa hadda ku fiday gobollada kale ee woqooyiga Nigeria.
Dadka ku dhaqan gobolada waqooyi ayaa guurku u arka mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan nolosha, balse guur la’aanta iyo qarashka badan ayaa dad badan ka hor istaaga inay qaadaan tallaabadan muhiimka ah ee nolosha.
Xaaska Guddoomiyaha Gobolka Zamfara, Hajiya Huriyya Dauda Lawal ayaa horraan shaaca ka qaaday inay doonayso in ay guuriso konton gabdhood oo agoon ah oo hoos yimaada Wasaaradda Haweenka, Carruurta iyo Horumarinta Bulshada ee Gobolka.
Waxa ay sheegtay in Marwada ay hadalkan ka sheegtay mar ay booqatay guriga gabdhaha agoonta ah ee magaalada Gusau, iyadoo balan qaaday in ay wax ka qaban doonto tarbiyada iyo daryeelka agoonta Gobolka.
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in maamulka G/sare David Lawal uu ku dadaali doono sidii uu u gudan lahaa dhammaan waajibaadka ka saran mustaqbalka agoonta arooska.
“Sariiro dhameystiran, kuraas sharraxaadda guriga, maacuun iyo raashin loogu talagalay lammaanaha cusub ayaa la diyaariyey” ayaa lagu yiri bayaanka.
<span;>Xaaska Guddoomiyaha oo hadalkeeda sii wadata waxay kula dardaarantay dhabdhaha agoonta ah in ay adeecaan, dhaqdaan oo ay ku adkaystaan guryahooda.