Home Afsomali dhageyso Somali u badan dumar iyo ciyaal oo ciidanka Kenya oo xuduuda...

dhageyso Somali u badan dumar iyo ciyaal oo ciidanka Kenya oo xuduuda ka soo Gudbay Waraf kula dagaalameya

Wararka ka imaanaya Magaalada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maalintii Labaad uu Magaalada ka socdo Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamada Kenya oo Degmada Baled-xaawo ka bilaabay in ay Calaamadiyaan Dhul ku yaalla Degmadaasi.

Nabaddoon Idirs Aadan Nuur oo kamida Waxgaradka Degmada Baled-xaawo  ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay shalay illaa Maanta Magalada ka wadaan Calaamadeyn,wuxuuna intaas ku daray in Dhul badan oo Xilligii Dowladdii Milatariga Soomaaliya ay ka talin jirtay ay hadda Kenya Maamusho.

Xiisada oo tan iyo shalay taagneyd, ayaa sii xoogeysatay maanta, kadib markii ciidamada Kenya qiyaastii 100 tallaabo ay ka soo gudbeen xadbeenaadka u dhaxeeya xuduuda Baled Xaawo ay la wadaagto dhanka Magaalada Mandhera.

Shacab badan oo arintaasi ka carooday ayaa isugu soo baxay Magaalada Baled Xaawo, waxaana shacabkaasi rasaas xooggan u adeegsaday ciidamada Kenyan-ka ah.

Dadka Shacabka ah ee ku nool Magaalada baled-xaawo ayaa Bilaabay in ay dhigaan Dibadbax ka dhan ah Ciidamada kenya,waxaana ay Dhagxaan ku tuureen Ciidamada Kenya ee la sheegay in ay halkaas ka wadaan Dhul Calaamadeynta.

Nabadoon Cali Bidaar oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Degmada Baled Xaawo, ayaa wuxuu Risaala u sheegay in xaaladda Magaalada maanta aad u kacsan tahay.

Wuxuu sheegay haddii masuuliyiinta Gobolka aysan wax ka qaban dhibaatada ka taagan Degmada Baled Xaawo, xaalada ay sii adkaan doonto.

Dowladda Kenya ayaa Xadka Labada Dal ee Soomaaliya iyo Kenya waxaa ay ka dhistay Darbi ay sheegtay in ay uga hortageyso Weerarada ay Shabaabku ku qaadaan Gudaha kenya,waxaana Dhismaha Darbigaasi uu Muran ka dhex dhaliyay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

 

Codka Joogjoogaha hoos eka dhageyso 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.