Home Afsomali Wasaarad aan shiqadeedu Muuqan kana hartay waxqabadkii Wasaaradaha kale oo shir aan...

Wasaarad aan shiqadeedu Muuqan kana hartay waxqabadkii Wasaaradaha kale oo shir aan muhiim aheyn Muqdisho ugu qabatay wasaarado kale oo shaqeeya

Wasaarad aan shiqadeedu Muuqan kana hartay waxqabadkii Wasaaradaha kale oo shir aan muhiim aheyn Muqdisho ugu qabatay wasaarado kale oo shaqeeya

Mas’uuliyiinta Wasaaradda gargaarka iyo maareynta Masuubiiyinka ayaa Muqdisho ka furtay shirka siyaasadda Qaran ee Maareynta Musiibooyinka.

waxaana dhamaan howshii Musiibadii qaran ee ka dhacday Zoobe laga dareemayey in aysan wax shaqo ah ka qabanin gurmadkii iyo gargaarkii lagu furdaaminayey dad iyo duunyo wixii ku basbeelay

Munaasibadda daahfurka shirkan waxaa ka qeybgelaya mas’uuliyiinta Wasaaradda,hay’adaha kale ee dowladda iyo xubno ka socda wakiillada Caalamka iyo hay’daha samafalka ee Somaaliya ka howlgala.

waxaana meesha ka maqnaa wasiirkii wasaarada masiibooyinka oo horey isu casishay

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka waxaa ay ku cusub tahay Soomaaliya,waxaana horay u jiray iyada oo hay’da kaliya ah,iyada oo Xukuumadda Ra’isalwasaare Kheyre oo ku soo aadday iyada oo uu dalka baaar ku jiro lagu daray Wasaaraddaas golaha wasiirrada Soomaaliya.

Maryam Qaasim Axmed oo ahayd Wasiirka Wasaaraddan ayaa iska casishay xilka Wasaaraddaas labo bil ka hor kaddib markii ay sheegtay in faragelin lagu hayo maamulka Wasaaradda iyada oo ilaa hadda aan la magacaabin beddelkeeda.

waxaana howsheedii si ku meel gaar ah hada u haaya oo faraha kula jira Gudiga gurmadka oo ay iyagu ku soo dhacdo hantida gargaarka lagu bixiyo dal iyo Dibad kuwaas oo bulshadu ku diirsatay

lama oga sida ay u meel mari doonto wixii ku soo kordho daahfurka shirkaan marka laga reebo in khudbado laga jeedo sawirana lagu galo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here