Home Afsomali Wasiirada Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD oo Maanta shir uga furmayo Ethiopia

Wasiirada Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD oo Maanta shir uga furmayo Ethiopia

Magaalada Addis-Ababa ee Caasimadda Dalka Ethiopia  ayaa waxaa lagu wada in maanta uu ka furmo shir u dhexeeya Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD,kaasi oo horudhac u ah shir madaxeedka madaxda wadamadaasi oo dhamaadka bishan ka furmaya halkaasi.

Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya shirkaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo isagu gaaray magaaladaasi Addis-Ababa.

Wasiir XAmed Ciise Cawad wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeeshey madax kaladuwan,waxaana kamid ah Wasiiradda Arrimaha Dibadda Norway Ms. Ine Marie Eriksen Søreide, kadib casha sharaf ay ku casuuntay Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD.

Waxaa looga hdalay Kulankaasi xoojinta xiriirka u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Norway,iyo sidii dowladda  Norway u sii xoojin lahayd taageeradeeda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Axmed Ciise Cawad waxaa uu la kulmay Dhigiisa Dalka Ethiopia  Dr. Workneh Gebeyehu,Amb. Ahmed Awad iyo Dr. Workneh Gebeyehu waxa ay si qotodheer u fallanqeeyeen arrimaha ammaanka, ganacsiga , maalgashiga iyo suuragalnimada xiriir furan oo u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.