Home Afsomali 15 Qof Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Shil Ka Dhacay Magaalada...

15 Qof Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Shil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shil khasaare xooggan geystay uu ka dhacay degmada Howlwadaag ee bartmaha magaalada.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in shilkan uu sababay dhimasho iyo dhaawac, 14 qof oo dhaawacyo daran qaba ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka, si xaaladooda loola tacaalo.

Wararka ayaa intaasi kusoo daraya in shilkan ay ku geeriyootay gabar lagu magacaabi jiray Najma C/casiis Cilmi oo xiligaasi uun ka soo baxday Jaamacadda UNISO oo ku taala aagga halka shilka uu ka dhacay.

Gudoomiyaha degmada Howlwadaag ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney wadaan baaritaanada waxa sababay shilkan, wuxuuna wadayaasha gawaarida qaada Xamuulka ka dalbaday iney taxadar dheeri ah muujiyaan.

Shilka oo si gaar ah uga dhacay isgoyska Jid Maeeexaan ayaa ka danbeeyay kadib markii gaari Inataree ah oo soo fariin goostay uu jiiray gawaari iyo Mootooyin ay dad shacab ah saarnaayeen, iyadoo wadihii gaariga weyn uu xakameyn waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.