Home Afsomali 154 Tahriibayaal Soomaali oo ku farxay markii ay dowladu geysay...

154 Tahriibayaal Soomaali oo ku farxay markii ay dowladu geysay Magaalada Muqdisho

Illegal immigrants from Somalia wait before boarding a vessel in the port town of Bossaso March 13, 2008. Human trafficking in the northern Puntland region is a lucrative trade that has received extensive criticism worldwide. People fleeing poverty in East Africa seek better lives in Saudi Arabia through Yemen but fall victims to human-trafficking cartels. Picture taken March 13, 2008. REUTERS/Stringer (SOMALIA)

Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Muqdisho waxaa soo caga dhigatay 154 qof oo Tahriibayaal Soomaali ah oo ku sugnaa wadanka Liibiya, waxaana soo celiyay Dowladda Soomaaliya kadib dalab ay u jeedisay Xafiiska Qaxootiga ee Q.M.

Dadkaan la soo celiyay ee dhalinyarada ah ayaa waxaa la socday Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxaana ka mid ahaa Cali Siciid Fiqi Danjiraha Soomaaliya ee Wadamada Yurub oo u xilsaaran soo celinta Dhalinyarada Soomaalida ah ee dalka Liibiya ku sugan.

Qaar ka mid ah Dhallinyaradan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay kala duwanaayeen waqtiyada ay kala tageen dalka Liibiya hayeeshee ay hadda ku faraxsanyihiin ku  soo laabashada Dalkooda Hooyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.