Home Afsomali 1Da Luulyo Xuriyadii Dhicisowday

1Da Luulyo Xuriyadii Dhicisowday

1960-kii waxa uu ahaa sannadkii qaarada Africa waana sanadkii ay wadamo badan oo qaarada Africa ku yaalaa ku guulaysteen xoriyadii ay mudada u dirirayeen ee waana sannadkii ay iska duqaadeen heeryadii gumaysiga.

Wadamadii Africa ee sanadkaa heeryada gumaysiga iska tuuray waxa ka mid ahaa British Somaliland Protectorate iyo Italian Somaliand oo ay gacanta ku kala hayn jireen gumaysteyaashii Ingiriiska iyo Talayaanigu.

Labadan dal ee xoyiyadooda hantay waxay ka mid ahaayeen dhul-waynihii Soomaalida ee ay shanta u kala dhambaleen gumaysteyaashii reer galbeedku, waxana wali gacanta kumaysiga ku sii hadhsanaa French Somaliland, NFD iyo reserve area dhulkii loogu magac daray oo ingiriisku ku wareejiyay boqortooyadii guunka ahayd ee Ethiopia.

Hadaba 19960-kii markii ay labadii gobol ee Soomaaliyeed xoriyadooda qaateen waxa afar maalmood xoriyada ku horeysay oo 26-june 1960-kii calan xor ah kii ugu horeeyay hawada sudhay British Somaliland Protectorate, Hargeysa oo ahayd xaruuntii xiligaa fadhiga u ahayd gumaysiga ingiriiskuna waxa ay noqotay hooyadii xoriyadda ummada soomaaliyeed.

Gumaysi nacayb ay bulshada Soomaalidu ka sinayd iyo jacayl loo qabay in la dhiso dowlad soomaaliyeed oo ka kooban shantii waaxood ee gumaystuhu soomaali u kala qaybiyay ayaa xiligaa ahayd si wayn u dhex qaaday geeska Africa. bulshada Soomaaliduna waxa ay ku hadaaqi jirtay erayo lagu wiirsanayo cidii ka hortimaad in la mideeyo shanta Soomaaliyeed, weedhaha lagu hadaaqi jirayna waxa ka mid ahaa “SHANTA DIIDOW DILAAC” iyo “AAN MAALMO HASHEENA MAANDEEQ” iyo kalmado kale oo xambaarsan micno kuwan la mid ah.

1-july 1960-kii waxa xoriyadii la siiyay Italian Somaliland oo ay xarun u ahayd Muqdisho waxana isla habeenkii la dhaadhiciyay calankii Talyaaniga Muqdisho laga taagay mar labaad calankii afar maalmood ka hor Hargeysa loogu wanqalay, waxana si ka fiirsi

la’aan ah oo aan shuruud lahayn aqoona loo adeegsan loogu dhawaaqay in ay midoobeen British Somaliland iyo Italian Somaliland, magacooduna noqon doono (Somali Republic) Jamhuuriyaddii Soomaalida. Isla maalmo kooban kadib waxa lagu dhawaaqay xukuumadii ugu horeysay ee Soomaali Xor ihi yeelato.

Xukuumada cusub ee Soomaaliyeed waxa madaxweyne iyo Raysalwasaare ka noqday laba mas’uul oo dhalasho ahaan ka soo jeeda koonfur ama Italian (Somaliand), halkaana waxa ka bilaabmay qalbi jabkii kowaad ee ku dhaca dadkii reer waqooyiga ahaa (British Somaliland).

Caasimadii jamhuuriyada Soomaaliyeed waxa laga dhigay Muqdisho, taliyeyaashii ciidmada iyo xukuumadii dhalatayna waxa ay u bateen Koonfur, golihii baarlamaanka oo uu ku jiro gudoomiyuhuna waxa ay noqdeen reer Koonfur, marka laga reebo 33-xubnoon oo aan codkooda la dhagaysan oo marti ku noqday magaalo aanay hore habeen u seexan lahjada lagaga hadlayaana aanay wax badan uga duwanayn luuqad qalaad.

dhacdadani waxa ay boog ku noqotay xukuumadii uu Cigaal gadhwadeenka ka ahaa ee horiyadii dhiigu u daatay iyo calankii curadada loo waayay sida bilaa shuruuda ah uga soo diiqay Hargeysa.

Rajadii ahayd in shan Soomaaliyeed la isla doontaa waxa ay dhicisowday markii afduub ku dhacay xukuumadii ka tagtay Hargeysa, taas oo saamayn toos ah ku yeelatay in sadexdii gobol ee maqnaa ay ku soo dhiiran waayaan midnimo Soomaaliyeed oo hirgasha.

Sannad markii laga joogay israacii Soomaalida waxa markiiba furka tuuray oo qarsoodigii ka baxay tabashadii ka dhalatay dhicisowgii xorriyada iyo saluugii xukuumada reer koonfurka u gacan gashay, waxana la maleegay afgambi u jeedkiisu ahaa sidii reer waqooyi ula noqon lahaayeen xoriyadooda , laakiin afgabigaasi wuu fashilmay waxana ka dhalatay in si toos ah loo ugaadhsado hal-doorkii reer waqooyiga ee xoriyadda u keenay dhulkii la odhan jiray (British Somaliland).

Kala fogaanshihii iyo is afgaran waagii ka dhashay israacii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed wuxu heerkii u sareeyay gaadhay markii inqilaab ciidan uu dalka ku qabsaday General Maxamed Siyaad Barre, oo isna dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolada Koonfureed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.