Home Afsomali 27 sano ka dib oo maamulka hawada somaliya gacantooda loo galiyey

27 sano ka dib oo maamulka hawada somaliya gacantooda loo galiyey

 

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Oomaar oo kusugan magaalada Edmanton ee Gobolka Alberto ee dalka Canada ayaa sheegay in muddo labo todobaad gudohooda kadib ay si rasmi ah u maamulidoonaan Hawadda Soomaaliya mar uu lahadlayay VOA.

“Illaahaa mahadda leh waxaan ugu bishaareynaynaa shacabka Soomaaliyeed sidii aan balanqaadnay in 28ka bishan aan si rasmi ah ula wareegno Hawadad Soomaaliya,waxaanu qaban doonaan xaflad ballaaran oo lagu dahfurayo xafiiska”

“Dad ajinabi ah iyo kuwa kale ee Hay’adda ECAO way ku lugyeelan doonaan ilaa aan tababarno shaqaale Soomaaliyeed oo awood u leh in ay maamulaan hawadda Soomaaliya,malintii aan u diyaar garowno in aan awood u yeelano sirasmi ah ayay shaqaalaheena shaqada kelidooda maamulidoonaan,inta ka horeysay tababara ayaan siinaynaa,balse muhiimaddu waa in dowladda Soomaaliya ay lasocoto maamulka Hawadeeda” Ayuu yiri Wasiir Omar.

Wasiir Maxamed C/llaahi Omar ayaa sheegay in ahmiyadda ugu weyn ay tahay in Soomaaliya hawadeeda ay maamuladto muddo 27 sano kadib,wuxuuna intaasi ku daray in hadii Dalku aan isaga maamulan hawadiisa ay micneheedu tahay in weli xorriyad buuxda jirin,taasina uu ku tilmaamay guul ay u soo hooyatay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda mar uu lahadlayay

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawadda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.