Home Afsomali 3 Somali ah iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Talyaaniga oo laga helay...

3 Somali ah iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Talyaaniga oo laga helay Coronovirus

Taliyaha Guud ee Ciidanka Talyaaniga oo laga helay Coronovirus

Waxaa dowladda Talyaaniga ay xaqiijisey warar sheegayay in Cudurka Dunada wadamo badan ku faafey ee Coronavirus laga helay Taliyaha guud ee Ciidamada dalka Talyaaniga  Jeneraal Salvatore Farina.

Warabahinta dalka Talyaaniga oo soo xiganeysay Mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas ayaa waxaa ay sheegeen in baaritaan lagu sameeyey Taliyaha laga helay Cudurka Coronavirus,isla markaana la go’aamiyey in muddo 14 Maalmood ah la karantiilo.

Si kumeel gaar ah ayaa xilka Taliyaha Guud ee Ciidamada Talyaaniga ayaa waxaa loogu Magacaabey Jeneraal Federico Bonato,iyada oo muddada 14-ka Maalmoodka ah Gurigiisa lagu karantiilo doono.

Si kastaba dalka Talyaaniga oo ah dalka labaad ee Cudurkaasi uu ka dilaacey ayaa waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiye inay u dhinteen 366 qof,waxaana uu ku dhacay dad gaaraya ilaa 7,375 qof,iyada oo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Talyaaniga Giuseppe Conte uu amar ku bixiyay in la xiro gobolka waqooyiga ee Lombardy iyo 14-gobol oo kale,taas oo lagu xakameynayo inuu faafo Cudurka Coronoviruska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.