Home Afsomali 32 ruux ayaa u dhintay waro biyoodkii ay ka cabayeen oo la...

32 ruux ayaa u dhintay waro biyoodkii ay ka cabayeen oo la sumeeyey darteed

Gobolka bay  32 ruux ay dhinteen kadib markii ay cabbeen biyo la aaminsan yahay in la sumeeyay oo laga soo dhaamiyay warbiyood ku taala deegaanka masuubiye oo udhaxeeya Awdiinle iyo Baydhabo.Dad kale oo biyahan la sumeeyay cabay ayaa la seexiyay isbitaalada.

Wasiirro ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa gaaray Degaankaas,waxaana ay soo qaadeen Dadka xaaladdooda liidato iyaga oo keenay Isbitaalka Beydhaba si halkaas loogu daweeyo.

Wasiirrada dadkaas soo qaaday waxaa ka mid ah Wasiirka Maaliyadda,Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Hubka dhigista iyo tababarka Malleeshiyaadka ee Maamulka Koofur Galbeed.

Meelo badan oo ka mid ah Dalka waxaa waxaa sidan oo kale ka dhacday in Dadku ay cabaan biyo sumeysan iyada oo ay khasaare ka soo gaartay.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.