Sagaal dal oo si toos ah loogu tagi karo Baasaboorka Soomaaliya Fiiso la’aan (Akhriso
Baasaboorka Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay isbadal ku imaanayay, waxa uuna hada ka saro maray dowlado waa weyn oo caalamka ka jira, waxa uuna sanadkan galay kaalinta 106-aad.
Sida lagu cadeeyay qiimeyntii ugu dambeesay ee lagu sameeyay sida ay u kala sareeyaan baasaboorada dunida ayaa baasaboorka Soomaaliga waxa uu ka saro maray baasaboorada dalalka Yemen, Pakistan, Suuriya Ciraaq iyo Afghanistan.
Baasaboorka Soomaaliya ayaa lagu geli karaa 33 waddan , wadamadan ayaa waxaa ku jira, 9 waddan oo baasaboor Soomaaliya lagu tagi karo iyadoo aan wax Visa ah la dalbanin, sida lagu cadeeyay bogagga wax ka qora arrimaha socdaalka ee VisaIndex iyo PassportIndex,.
Sagaalkan wadan ee sida tooska ah loogu tagi karo baasaboorka Soomaaliya ayaa qofka u socda waxa kaliya ee looga baahan yahay waa inuu tigidh goosto tooska ugu dhoofo dalalkaasi, iyadoona marka uu gaaro la siinayo aqoonsi muujinaya joogitaankiisa.
Wadamada baasaboorka Soomaaliga sida tooska loogu tagi karo ayaa kala ah
Benin oo ah waddan ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.
Gambia oo ah waddan yar oo isla galbeedka Afrika ku yaalla.
Haiti oo ah waddan ku yaalla gobolka la isku yiraahdo Caribbean oo ka tirsan Latin Ameerika.
Dominica oo ah dal kale oo ku yaalla isla gobolka Caribbean. Balse ma aha waddanka la dhoho Dominican Republic, inkastoo ay isku gobol yihiin.
Cooc Islands oo ah jasiirado dal sameystay oo ku yaalla badweynta Pacific. Waxa uu xiriir siyaasadeed la leeyahay waddanka New Zealand.
Malaysia<span;> – oo ah waddan ku yaalla qaaradda Aasiya. Hase yeeshee waqti xaadirkan waxaa baasaboor Soomaaliga looga mamnuucay dalkaas sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Covid-19.
Micronesia oo ah waddan jasiirado isu tagay ah oo ka tirsan qaaradda Ociana oo dhacda dhinaca galbeed ee badweynta Pacific. Calankiisa oo xoogaa shabaha kan Soomaaliya ayaa ah buluug ay dhexda uga yaallaan afar xiddigood oo caddaan ah, shan geesoodna wada ah.
Niue oo ah waddan jasiirad ah oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee badweynta Pacific.
Saint Vincent and the Grenadines
oo ah waddan jasiirado ka kooban oo ku yaalla koonfurta gobolka Caribbean.
Waddamada caalamka ee aan ahayn sagaalkaas dal aan magacyadooda soo xusnay dhammaantood waxay qofka baasaboor Soomaaliga wata ka rabaan dal ku gal noocyo kala duwan ah.