Home Afsomali Waa sawir iyo qoraal ay ka dhalatay hadal heyn mug iyo miisaan...

Waa sawir iyo qoraal ay ka dhalatay hadal heyn mug iyo miisaan leh Cadowga xuriyadda Soomaaliya

Waa sawir iyo qoraal ay ka dhalatay hadal heyn mug iyo miisaan leh
Cadowga xuriyadda Soomaaliya!

Xiligii ugu xumaa taariikhda Soomaaliya waxay aheyd markii uu dalka afgabiga ku qabsaday Maxamed siyaad Barre bishii Oktor 21keedii 1969kii. Koox dhalinyare saraakiil ah ayaa waxaa sirtay Siyaad ka dibna la wareegay dalka iyadoo lagu marmarsiyoonayo in la dilay madaxweynihii dalka Cabdirashiid Cali Sharmaake. Waxaa la xirxiray cid walba oo aqoon laheyd mana wax ageed diin iyo maadivmba.

Ugu horeyntii waxay dhiseen gole ay ugu magacdareen Golaha Sare ee Kacaanka. Golahaas ayaa muddo dalka waday inta ay ka xoogeysanayeen. Markii ay qumaanta dalka u qabsadeen tilaabooyinkii ugu hireeyay oo ay qaadeen waxaa ka mid aheyd in ay la wateegaan shorkadii gaarka loo lahaa si dalka adeegyadda gaarka loo buburiyo, ka dibna waxaa la bilaabay si tartiib tartiib ah in looga taqaluso xubno ka mid ahaa golaha si xukunka au u boobaan koox yar oo isku xiran oo iska qabiil ah.

Waxaa lala soo baxay xirfasdu qariib ku ah dhaqanka ummadda Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay in qabyaaladda la aaso si dadka loo marin habaayo. Waxaana mujamacii Soomaaliyeed laga xushay dadkii ugu liitay si liogu adeegto. Waxaa la bilaabay mashaariic lagu jeedinayo shacabka oo lagu marmarsi- yoonayo hurumarin, laakiin waxay aheyd in dadka laga dhigo ku hayin ah oo aan awood ay isga celiyaan aan yeelan koox burcad ah oo rabay in dalka ayiga si buuxda u xukumaan waligood.

Waxaa la bilaabay in la fasahaadiyo bulshadda iyadoo loo soo dhigtay xataa diintii markii dhaqankii lagu ciyaaray. Waxaa lagu dhawaaqay in uu dalku qaatay Mab’da lagu sheegay hatiwafaaga cilmiga ku dhisay, ka fibna waxaa la bilaabay in la ugaarsado culimadda oo taariikh ahaa dalka cadiwga guddaha iyo dibadda ka horjoogay. Waxaa la soo saaray xeerka qoyska oo dabin loogu dhigay culimadii Soomaaliyed markii ka hor geeyay maxkamad been abuur ah oo milatay ka dibna la toogtay.

Waxaa iyana la bilaabay mashaariic been abuur ah oo lagu beer laxawsanayo shacabka Soomaaliyeed iyo dhalin yaro aan shaqo loo hayn. Waxaa xusid mudan in Siyaad uusan waligii wadanka wax wanaaga ah oo la xusi karo uusan u qaban. Beentii iyo burubugaan- dadii ayaa horseeday markii ay mudo yar dalka xumayeen Siyaad iyo burcadiisee in dhaqaalihii dalka uu burburo, isla markaana ay timaado caro Alle iyo abaaro. Bal maxaa Soomaali u soo arkay linin, anjal iyo marks?

Dagaal baa Etoobiya lala galay oo la rabay in lagu dumiyo milatariga Soomaaliyeed oo noqday hay’adda dalka ugu awoodda badan. Ciidanku intii uu dagaalka ku sii jeeday ayaa hal doorkii iyo geesiyaashii khiyaasno lagu dilay. Waxaa sameysmay jabhado ka gadooday cadaalad daradda iyo fasahaadka dalka ka socday ugu dambeyntiina waxaa laga adkaaday kooxdii danlayda aheyd ee bulshada Soomaaliyeed burburiyay dhaqankoodii, diintoodii iyo dhaqaalahooddii.

Waxaa xusid muddan hay’adda sirdoonka in ay ka mid aheyd hal abuurka xukunkii faasidka ahaa ee Siaad bare, waxaana la aas aasay bishii Janawari 1970kii. Waxay ka shaqen jirtay in ay ummadda Soomaaliyeed u duleyso kuwo diirka nooga eg oo ahaa shaayaadiin maxali ah oo dadka dhaqanka, diinta, aqoonta iyo dhaqaalaga kala dagaalamayay.

21kii sano ee xukunja hayeen Soomaaliya waxaa la soo dirsay faqri, cuduro, boob iyo qabyaalad qaawan oo miiska hoostiisa ay ku haystaan dad laba wajilayaal ah oo aan arxan laheyn. Waxaa la baneystay wax walba uu ku lid ah qayimka xuquuda aasaasiga ah ee muwaa- dinka Soomaaliyeed ugu danbeyntiina waxay horseeday in dadku uu gadoodo. Siyaad dalka ayuu ka waxay isagoo qaxooti ah ayaa waxuu ku dhintay dalka Nijeeriya.

Dad yar oo aan waxtar waligood u weelan ummadda Soomaaliyeed ayaa xukunkaas giluracan u heysta mud wax tar u lahaa bulshadda SoSoomaaliyeedSoomasliya ilaa iyo muddo nusqari ah bay ku jirtay dhibaatadii uu abuuray khaa’inkaas iyo dadkii la shaqeenayay.

Labaatankii sanno ee ugu danbeeyay dadku markii ay maquurteen silic, dagaali qabali ah, maquurte iyo abaaro ayaa waxaa dalka Jabuuti lagu soo dhisay xukuumad ku dhisan heshiiska 4.5 in wax lagu qeybsado si qabaa’olka Soomaaliyeed ay u helaan dowlad ay wada lee yihiin. Tartiib tartiib baa loo soo kabanayay, waxaana xukunka la kala wareegay shan madaxweyne. Waxay wax badan dhaantay xukunkii dhiigyo cabka isku tilmaami jiray aabaha ummadda Soomaaliyeed.

War iyo dhamaantii jiilka cusub waxay hadda marqaati ka yihiin madaxweynaha xilkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo dhaqan xumadda iyo karti xumadda xagga Siyaasadda ee uu dalka ku waday afartii samno ee la soo dhaafay. Waxuu meel uga dhacay geesiyaashii ummadfa Soomaaliyeed ee dalka iyo dadka wax weyn u soo qabtay oo uu ka mid yahay madaxweynihii ugu horeeyay Aden Cadde oo uu buugiisa jaamacada ku aflagaadeeyay.

Waxuu isku dayay in uu laayo cid walba oo ka ra’yi duwan waxuu boorka ka jafay taariikhdii madoobeeyd ee ciidamadda sirta ee dadka ku yayay xarig, jir dilkaxarigdil qanuunka qilaafsan. Waxuu awoodda dowladda uu gacanta u galiyay dadkii ugu liitay mujtamaca. Waxaa uu bilaabay fasahaad iyo in uu dhaqan xumo u horseedo dhaliyaradda Soomaaliyeed. Waxaa la jideystay in hantidda dad weynaha lagu boobo magac dowladeed.

Musuqmaasuq iyo dil qaanuunka khilaafsan ayaa baahay. Cid Alle ciddii xirfad leh ama aqoon leh ama xoolo leh ama diin taqaan waxaa lagu qaaday dagaal qarsoon oo ay horseed ka ahaayeen ciidamadda sirta. Ugu dambeybtiina Ilaah baa ka shifay oo khiyaama- dooda banaanka soo dhigay. Shacabka Soomaaliyeed hadda waxay la yaabeen oo ay ku soo baraarugeen dilka Ilraan Tahliil ee doqonimadda iyo arxan daradda ah iyo indha adeega lagu xalaaleysanay dhiigga muslimka.

Waxay isku dayeen sida Siyaad oo kale in mar kale ay abuuraan dagaal qabiil, fasahaad iyo in lagu adeegto dhalintaro aan akhlaaq iyo aqoon intaba laheyn. Caruur badan oo Soomasliyeed ayaa wali walidiintood ka maqan oo ilaa iyo hadda aan waxba la agoleen. Shacabka Soomasliyeed waxaa waajib ah in ay xuriyadooda, diintooda iyo dhaqankooda ay ka ilaashadaan dadka horatka ah ee ku gabanaya magaca wadaniyadda iyo shaarka dowladni- nimo. Haddii taariikh been ah lagaa dhaadhici- yay ama lagaaga sheegi jiray saworka hoose ee Afweyne si fiican uga bogo oo marqaati indhahaagaa kuugu filan.

Farmaajo iyo dadka la shaqeeya oo ka shidaal qaadanay dicteytarkaas anshaxa xun ayaa isku dayay in ay xukunka u boobaan si qayax. Haddii ay heli lahaayeen ciidan u dagaalama dhiig badan way daadin lahaayeen ee Ilaahay xagiisa kama noqon. Dad badan waxay aaminsan yihiin in xitaa ka liitaan xukuumaddii kaligii taliye Siyaad Barre.

Ilaalinta qanuunka ehel bay leedahay, marnaba qeb kama aysan noqon Siyaad iyo Farmaajo waligoodana waxaa hortaagnaayeen in Soomaaliya ay hana qaado. Waxay ka shaqeeyeen burburin qaanuunka iyo laynta dadka. Waligoo waxay aheeyeen cadow nagu dhex jira oo ku qaraabta magaca wadaniyada.

Ogow, cadowga xuriyadda Soomaaliya waa ma quuste aan xishoon. Wax uu xeerinayo ma jirto diin, dhaqan iyo akhlaaqba. Fiiro gaar ah u yeelo dadka Farmaajo taageera, waa warasadii kuwii shalay taageeri jiray Siyaad.( Bartan ka taariikhda xukunkii Siyaad oo ay Ajanabi qoreen). Haddaba maanta waxii ka danbeeya wacyi u yeelo taariikhda iyo halganka ummadda Soomaaliyeed dhabta ah iyo cadowgeeda joogtada ah. Dhamaad.

Fiiro Gaar ah

(Bartan ma aha meel aflagaado ama handadaad, haddii si mus’uuliyadi ku jirto aadan wax u qori karin, waxaa la qaatay in aadan wax qorin. Bartan muxaafad iyo mucaarad ma leh, waa bar ka dhaxeysa Somaali oo dhan oo lagu lafaguro wax dhab ah, iyada oon cidna wax loo dhimin.

Haddii aad dhibsatay wax halkan ku qoran, looguma talo galin in qof lagu dhibo. Laakiin waxaad ogaataa in arrimaha laga hadlayo ay yihiin mid saameyn ku leh masiirka shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Ra’yiga saliimka waa xor, wax baana laga kororsan. Ogow, dowladdu waxay leedahay suxufiyiin, qareeno iyo mus’uuliyiin kale oo loo igmaday in ay dadka u sheegaan mowqifka siyaadadeed ee dowladda ama difaacaan.

Waxay sidoo kale leedahay wargeys, raadiye, television, bogag internetka iyo baro bulsho.)

Qore: Mohamed Mohamud Cadde.
Waa Aqoonyahan iyo lafegure arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

(Qoraalku waa xirfad muhiimadeeda leh ee u kaasho si waxtar u leh bulshada).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here