Home Afsomali Ruushka oo ku hanjabay in uu u adeegsan doono dagaalka Ukraine Hubka...

Ruushka oo ku hanjabay in uu u adeegsan doono dagaalka Ukraine Hubka Nukliyeerka

 


Ruushka oo ku hanjabay in uu u adeegsan doono dagaalka Ukraine Hubka Nukliyeerka

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ruushka ay Duqeeymo ba’an ay ka geeysteen magaalada Mariupol ee dalka Ukraine, kadib godoomin ay maalmo ku hayeen.

Madaxweynaha Ukraine ayaa lagu casuumay inuu ka hadlo shir madaxeedka dalalka ku midoobay NATO, taasi oo keentay in Ruushka uu ku hanjabo inuu isticmaali doono hubka Nukliyeerka haddii haddii uu khatar amni dareemo.

Sida laga soo xigtay saraakiisha reer galbeedka, ciidamada Ruushka ayaa horumar dagaal ka sameeyay koonfurta iyo bariga dalkaas Ukraine, wallow la sheegay in meelaha qaar ay  ciidamada Ruushka, kala kulmeen dagaallo culus.

Dagaalka ka socda Ukraine oo galay maalintii 28-aad oo xariir ah ayaa u muuqda mid aan hakad laheeyn, inkastoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.