Home Afsomali Guddoomiyihii Xisbiga UCID Ee Gobolka Sool Oo La Dilay

Guddoomiyihii Xisbiga UCID Ee Gobolka Sool Oo La Dilay

Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in caawa fiidkii lagu dilay magaaladaas alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Faarax oo ahaa guddoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka Sool.

Masuuliyiinta gobolka Sool ayaa xaqiijiyey in marxuumka la dilay xilli uu sii gelayey guriga uu ka deggan yahay magaalada Laascaanood, iyaga oo sheegay inay haatan bilaabeen baadhitaan ku aaddan dilka guddoomiyaha Xisbiga UCID ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo xubnaha guddida fulinta ee xisbigaas ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Axmed Faarax oo ahaa guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool.

Marxuumka la dilay ayaa hore u soo noqday xubin ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayay marar kala duwan ka dhaceen dilal qorshaysan kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday shakhsiyaad kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.