Home Afsomali kulanka laamaha amniga ee Gobolka Nugaal

kulanka laamaha amniga ee Gobolka Nugaal

Ku simaha Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal ahna Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka G/le Maxamuud Muuse Bile ayaa shir Guddoomiyay kulan looga hadlay Amniga Gobalka Nugaal iyo howlgallada socda.

Kulanka waxaa ka qayb galay taliyaha saldhiga Garoonka Diyaaradaha Garowe G/sare Axmed Cabdi Xirsi Jeego  iyo Taliyeyaasha saldhigyada magaalada Garoowe ee  Caasimadda Puntland.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saaray xoojinta amniga Caasimada Puntland iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Booliska ay ka sameeyeen daafaha Magaalada, laguna Xoojinaayay ka hortagista falalka Gurucan,ladaalanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo  waxa loogu yeero Argagixisada si looga hortago.

Ku simaha Taliyaha qaybta gobolka Nugaal ahna Taliye ku xigeenka qaybta gobolka G/le Maxamuud Muuse Bile ayaa sheegay in muhiim ay tahay xoojinta amniga dalka, isla markaana looga hortago falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa si wada jir ah warbxiin looga dhageystay Taliyaasha Saldhigyada iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan kuwaas oo warbixin dhameestiran ka dhiibay amniga Gobalka Nugaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.