Home Afsomali Nin u dhashay dalka Holland oo loogga shakisan yahay inuu waalid u...

Nin u dhashay dalka Holland oo loogga shakisan yahay inuu waalid u yahay in ka badan 550 carruur ah

Nin u dhashay dalka Holland oo loogga shakisan yahay inuu waalid u yahay in ka badan 550 carruur ah, oo adduunka oo dhan ku kala sugan, isaga oo ku deeqay Shahwada, ayaa lagu amray inuu joojiyo ku deeqista Shahwadiisa.

Ninka oo lagu magacaabo Jonathan, oo 41 sabi jir ah, ayaa lagu ganaaxi doonaa in ka badan €100,000 (£88,000), haddii uu isku dayo inuu mar kale ku deeqo Shahwadiisa.

Waxaa sanadkii 2017-kii laga mamnuucay in uu ugu deeqo Shahwaddiisa xarumaha bacriminta, ama ku abuurista ilmaha haweenka ee dalka Holland, kadib markii ay soo baxday inuu ku dhalay hannaanka Shahwad ku deeqista in ka badan 100 caruur ah.

Laakiin halkii uu joojin lahaa, ayaa wuxuu ku deeqista Shahwadda uu u tallaabiyey meel ka baxsan dalka Holland oo dibadda ah, iyo Khadka internetka.

Maxkamad ku taalla magaalada Hague, ayaa ku war galisay inuu keeno liiska dhammaan rugaha caafimaadka ee uu ugu deeqi jiray Shahwadda, isla markaana waxay maxkamaddu ku amartay inay baabi’iyaan Shahwadda ninkani.

Ninkan ayaa la sheegay inuu marin habaabiyay boqolaal dumar ah.

Hannaanka iyo shuruucda u dagsan daweynta ee dalka Holland, ayaa waxay tilmaamayaan in deeq-bixiyaha Shahwadda aanu waalid/aabbe u noqon Karin in ka badan 25 carruur ah, oo ka kala tirsan 12 qoys.

Laakiin garsoorayaasha, ayaa sheegay in ninkan uu horseed ka ahaa ku soo saarista Shahwaddiisa caruur gaaraysa inta u dhaxaysa 550 ilaa 600, tan iyo markii uu bilaabay ku deeqista Shahwada sanadkii 2007-dii.

Waxaa maxkamad la tiigsatay ninkani hay’ad ilaalisa xuquuqda carruurta Shahwadda ay ka dhasheen lagu deeqa, iyo hooyo dhashay mid kamid ah carruurta la sheegay inay in ay ku dhasheen shahwadda ninkani.

“Aragtidu waxay tahay in shabakadan dadkan halka qof kasoo jeeda, islana socda iney walaalo yihiin, gaarayana boqolaal walaalo inay yihiin qoys aad u ballaran oo xadka ka baxay,” afhayeen u hadlay maxkamadda, oo la yiraaahdo Gert-Mark Smelt, ayaa sidaasi sheegay.

In ka badan 100 kamid ah carruurta ku dhalatay Shahwadda ninkani, ayaa ku dhashay xarumo caafimaad oo ku yaalla dalka Holland, iyo goobo kale oo si gaar ah loo leeyahay, balse waxa uu sidoo kale ugu deeqay xarun caafimaad oo laga leeyahay dalka Denmark, iyadoo Shahwadda ninkani markaa kadib dalal kala duwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.