Home Afsomali 560 Arday oo ka qalin jabisay jaamacada sommaville (DAAWO SAWIRADA )

560 Arday oo ka qalin jabisay jaamacada sommaville (DAAWO SAWIRADA )

560 Arday oo ka qalin jabisay jaamacada sommavile ayaa Munaasiobad shahaadooyin lagu gudoonsiinayey loogu qabtay Magaalada Muqdisho kuwaas oo dhameystey Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada bixiso.

Xafladaan oo aheyd mid qalin jebin ah oo at qalin jebinayeen 4 dufcadood oo ka tirsan jaamacada ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiinta Jaamacadda, Xildhibaano, Wasiiro iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasibada lagu Bixinayey shahaadooyin ayaa waxaa ka so qeybgalay Madaxda jaamacada sommafille Masuuliyiin ka socotay Dowlada waalidiinta Ardayda qalin jabineysa Macalimiin iyo Marti Sharaf kale oo Munasibad lagu casuumay

gudoomiye ku xigeenka 2aad Baarlamaanka Mahad Cabdalle Cawaaad oo ka mied ahaa mudanayaashii xaflada qalin jabinta ka so qeybgalay ayaa ardayda ku amaanay dadaalkooda oo ay ku gaareen heerka qalin jabinta

madaxweynaha jaamacada sommavile prof Cabdinuur sheekh Axmed Caraaye oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey wuxuuna baladqaaday in maamulka Jaamacadu balaarin doonaan dadaalka dhalinyarada lagu barayo maadooyinka lkala duwan ayna siinayaan cilmi ku filan si ay caalamka wax ula qabsadaan

gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka Mahad Cabdalle Cawaaad oo munaasiabda soo gunaanaday ayaa ku dhiiri galiyey arday in ay ka faaiidaystaan fursada qaaliga ah ee ay siisay jamacada sommafilewuxuuna xusay in uu ku faraxsanyahay ka qeybgalka Munaasibada shahaadooyinka lagu gudoonsiinayo ardayda qalin jabisay

qaar ka mid ah arda qalin jabineysay ayaa sheegay in ay aad ugu mahadcelinayaa macalimiinta waalidinta iyo Madaxda jaamacada oo ay sheegeen in ay garabtaagnaayeen xiligii ay waxbaranayeen la,aantoodna aysan heerkaan gaari laheyn

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.