Home Afsomali 7 Ruux oo ku dhimatay Shil Gaari duleedka Magaalada Gaarisa

7 Ruux oo ku dhimatay Shil Gaari duleedka Magaalada Gaarisa

Inta la xaqiijiyay ilaa 7 Ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Shil Gaari oo ka dhacay inta u dhaxeeysa degaanka Thika iyo Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Shilka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Gaari Bas ah oo ay leedahay Shirkadda Palanet uu dulmaray Gaari yar oo ah nooca Toyoto ah xilli ay marayeen deegaanka Kanyonyoo aee ku teedsan waddada wayn ee xiriiriso magaalooyinka Thika iyo Gaarisa.

Gaariga yar ayaa ka yimid dhinaca Magaalada Gaarisa, isaga oo ku wajahnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalk Kenya, balse shilkaasi uu la kulmay.

Taliyaha Booliska deegaanka hoose Yatta Mary Kashee Njoki ayaa xaqiijisay shilkan, iyada oo uga digtay darawaliinta inay baabuurta u kaxeeyaan si xowli ah.

In ka badan muddo 72 saacadood ah ayaa waxaa la xaqiijiyay in gudaha dalka Kenya ay shilal gaari ugu geeriyoodeen in ka badan 20 qof tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.