Home Afsomali 755 Diplomaasiyiin Mareykan ah oo dalka Ruushka laga eryey sababta...

755 Diplomaasiyiin Mareykan ah oo dalka Ruushka laga eryey sababta Sii aqri

Amarkan uu soo saaray madaxweynaha dalka Ruusha Vladimir Putin ayaa faraya in wadanka ruushka ay ka baxaan ilaa 755 diblomaasiyiin Mareykan ah kuwaasi oo ka shaqeynayay dalka Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka oo lahadlayaay Televisionka dalkaasi ayaa sheegey in ilaa 1000 qof ay ka howlgalayeen safaaradda  iyoqunsuliyadda Mareyakanka ee Ruushka isagoo amaray in ay ka baxaan dalkaasi 755 waxaana qeyb ka ah kuwo u dhashey dalka Ruushka oo iyagana shaqada joojinaya.

Go’aanka ay qaadatay Dowladda Ruushka ayaa jawaab u ah talaabadii cuna qabataynta uu Mareykanbku ku saaray Ruushka.

“Waxaan filayay in xiriirka Mareykanka iyo Ruushka uu intaasi ka sii wanaagsanaado, balse tani waxay jawaab u tahay talaabada Mareyakanka uu qatay, waxaana xaqiijinayaa in 755 diblomaasi  oo Mareykanka ay dalka ka baxayaan”, Ayuu Yiri Madxweyne Putin.

Dowladda Mareykanaka ayaa ku tilmaantay amarka ka soo baxay madaxweyne vladamir Putin in uu noqon doono mid awaaqib xun ka dhasha islamarkaana uu yahay daandaansi.

Xukuumadda Moscow ayaa intaasi ku dartay in wixii agab ah ay ku shaqeynayaan ay la wareegayso, waxayna sheegtey in ay jiraan talaabooyin hor leh oo ay qaadayso Xuukuumadda.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa kamid ah wadamada codka diidmada Qeyxan ee Vetoga kuleh Golaha amaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa, waxaan tani ay sare u qadaysaa qilaafka dhanka diplomaasiyadda ee ka dhexeeya labada Dal

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.