Home Afsomali Dhageyso Maamulka Hirshabelle amarka dowladu Qaadka ku joojisay waa qalad namana Quseeyo

Dhageyso Maamulka Hirshabelle amarka dowladu Qaadka ku joojisay waa qalad namana Quseeyo

Maamulka Hirshabeelle ayaa wuxuu ka horyimid  go’aankii Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Ganasciga iyo Warshadaha Soomaaliya ay bartamihii bishan ku joojisay Diyaarad Qaad geyn jirtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Diiriye Khaliif ayaa sheegay sababta ay u joojiyeen Qaadkii ka degi jiray Jowhar in ay tahay xal ka gaarista murano iyo khilaaf jira.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Hirshabeelle ayaa ku tilmaamay sharci darro go’aanka ay soo saartay Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Federaalka.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha dowlad goboleedka Hirshabelle Sabriye Cismaan Toxobow oo la hadlaysaxaafada  ayaa sheegay in go’aanka aanan lagu soo wargelin oo aan la gala tashan, sidaasi darteedna uu yahay qalad.

Wuxuu kaloo inoo sheegay Wasiirka berri oo Khamiis in shirkadda Diyaaradii Qaadka geyn jirtay Jowhar ay u sheegeen in ay keenaan Qaadka, maadaama uu sheegay arrintan in ay tahay xanibaad la saaray Dowlad goboleedksa Hirshabeelle.

Qaadka Todobaadkan laga isticmaalayo magaalada Jowhar ayaa waxaa Gawaari yar yar looga qaadaa magaalada Muqdisho, taasi oo ay sheegeen ganacsatada in ay ku tahay culeys.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.