Home Afsomali Dhageyso Yuusuf Garaad Cumar Axmed maamul Goboleyadu waxa ay ka hadlayaan ma...

Dhageyso Yuusuf Garaad Cumar Axmed maamul Goboleyadu waxa ay ka hadlayaan ma ahan mid dastuuri ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ee ka dhalatay khilaafka arrimaha Khaliijka.

Yuusuf Garaad  ayaa si kulul uga hadlay tallaabooyinka ay qaadayaan dowlad goboleedyada, isagoo xusay in Xukuumadda Federaalka ay leedahay mas’uuliyadda arrimaha dibadda.

Waxaa uu sheegay in maamul goboleedyada aysan heysan sharciyad ay heshiis kula galaan dowlado shisheeye, waxaana uu ka dalbaday in howshaas ay uga dambeeyaan dowladda dhexe

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in maamul goboleedyada inay ka qanciso wixii ay tabanayaan, isla markaana dhageysato sida uu hadalka u dhigay.

Yuusuf Garaad oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha uu hoggaaminayo ee ku sugan Sacuudiga ayaa sheegay in marna aanay is bedel ku imaan mowqifkii dhex dhexaadnimo ee dowladda ka qaadatay Khaliijka, waxaana uu meesha ka saaray in arrintaas lagala hadlay dowladda.

Halkan hoose ka dhageysi Wareysiga Yuusuf Garaad 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.