Home Afsomali Faarax Macalin oo kabaha la dulmarey Madaxda Maamul goboleyda ka qeybgaleysa Shirka...

Faarax Macalin oo kabaha la dulmarey Madaxda Maamul goboleyda ka qeybgaleysa Shirka Kismaayo ee is moodsiiyey in ay yihiin Dowlado dunidu Aqoonsan tahay

Siyaasiga caanka ah ee Faarax Macalin Dawaare ayaa uga digay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad gumeysi tii ugu xumeyd isagoo dhanka kale weeraray maamul goboleedyada.

Faarax Macalin oo soo noqday Guoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn Soomaaliya ay tahay maamul goboleedyada oo uu ku sheegay kuwa calooshooda ushaqeysta.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin oo warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shir ay iskugu imaanayaan Madaxda maamul Goboleedyadda oo ka dhacaya magaaladda kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land.

Faarax Macalin ayaa sheegay in shirkaas uu yahay mid caqabad ku ah hormarka dalka Soomaliya, islamarkaana loogu baahan yahay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya in ay ka hortagaan sidii loo baajin lahaa shirkaas.

“Waxaa Jira waxyaabo caqliga diidaya, oo Maskaxdana aan galaynin,Soomalida dhankooda dabeecad ayay ka dhigteen waana jaajuus waana qaainul wadan,Soomaliya waxaa lagu soo duulay 1977-dii,taasi waxaa fududeysay sirtii Soomaliya oo cadowga loo gacan galiyay”, ayuu yiri Siyaasiga Faarax Macalin.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo ka hadlayay shirka ka dhacaya magaaladda Kismaayo oo ay isugu imaanayaan madaxda Maamul goboleedyadda ayaa sheegay in shirkaas uusan dan ugu jirin umadda Soomaliya.

“Maamul goboleedyadu waa dambiilayaal, Carabtu waa gun aan sharaf aqoonin, Soomaaliya waxey u baahan tahay Siyaad Barre oo kale, Colaadda Soomaliya waxay ka socotaa Khaliijka Carabta”.ayuu mar kale yiri Guddoomiye ku Xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin.

Shirka Ka dhacaya magaaladda Kismaayo ayaa loo arkaa mid caqabad ku ah hormarka dalka Soomaliya,inkastoo Madaxweynaha maamulka Jubba-land Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe),uu sheegay in shirkaas uusan aheyn mid caqabad ku ah Soomaliya.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.