Xildhibaanadii sheegay in xilka ay ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo maanta war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid lagu duminayo Qaranimada Soomaaliya sidoo kalena lagu fara geliyay arrimaha Galmudug.
Xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow oo war-saxaafadeedka warbaahinta u aqriyay ayaa sheegay in ay qalad tahay in shirka lagu casuumo Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo uu sheegay in xildhibaanada Galmudug ay si sharci ah xilka uga qaadeen.
Wuxuu sheegay in ay si cad u cambaareynayaan shirka Kismaayo, wuxuuna sheegay in ay u dareensan yihiin in uu ku xad gudbay sharciga iyo madax banaanida maamulka Galmudug.
Sidoo kale Xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) aysan marna ka fileyn in uu faragelin sharci daro ah ku sameeyo Galmudug, sida uu sheegay.
Ugu dambeyntii xildhibaan Ciyow ayaa sheegay bulshada Galmudug in ay ugu baaqayaan in si buuxda ay uga soo horjeesteen shirka Kismaayo, maadaama uu sheegay in meel looga dhacay sharafka Galmudug.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0