Carwadaan iyo baalbayeeriga mataanka la ah ayaa waxaa maalgalin ku sameysatay ladan Jaamac iyo Xasan Iimaan
furitaanka rugtaan ganacsi oo laga heli karo alaabooyin kala duwan iyo tima jaraha casriga ah ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada Wasiiro Xildhibaano odoyaal dhalinyaro haween Ganacsato madaxda ururada haweenka iyo waxgarad kale
Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka somaliyeed batuulo sheikh Axmed gabale xildhibaan iyo wasiiro hore Amino Maxamed Mursal ,iyo Xildhibaan sahra Cabduqaadir ayaa si wadaji rah xariga uga jaray carwada iyo timo jare xaga rag ah oo la magacbaxda ladan sigred
xarig ka jarida gudoomiye Batuulo ayaa waxaa ku wehlinayey qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka iyo bahda ururka haweenka qaranka soomaaliyeed .
Qaarka mid ah haweenkii ka qeybgalay munaasibada furitaanka carwada ladan ayaa bilaabay waxka iibsashada iyo indho indheynta agabka kala duwan ee halkaa lagu amaagay
waxaa goobta hadalo kala duwan oo ku aadan hambalyo iyo soo dhaweyn ka soo jeediyey Haweenkii munaasibada furitaankaka qeybgalay kuwaas oo in ay aad ugu faraxsan yihiin
dhanka kale timajaraha ku lamaansan ee mataanka la ah ayaa waxaa ay howshiisu u socotaa si habsami leh waxaana ka hadlay odoyaal iyo dhalinyaro halkaasi ku sugnaa kuwaas oo si aad ah u soo dhaweeyey
Furitaanka Carwada ladan iyo Timajaha ku lamaansan ayaa inta badan haweenku u arkaan in ay tahay guul iyo horumar ay dumarku ku talaabsadeen
Carwadaan timajaraha la mataanka ah ayaa ah mid Nooceedu ku cusub yahay dalka waxaana hirgalisay oo maalgashi ku sameysay gabadh lagu magacaabo ladan Jaamac taasi oo ku nool dalka britan ama boqrotooyada U.K .