Home Afsomali Full VIDEO Shir weynaha Beelaha hawiye oo dowlada ka dalbaday in...

Full VIDEO Shir weynaha Beelaha hawiye oo dowlada ka dalbaday in ay fara galinta ka deyso maamulada hirshabele iyo galmudug kuna baaqay in la dhiso Maamul uu yeesho Gobolka bnaadir

kulankaan ay iskuugu yimaadeen xubno iskuugu jira odoyaasha dhaqanka beelaha qaarkood xildhibaano  siyaasiyiin aqoon yahano dhalinyaro hawen iyo wax garad kale ayaa looga arinsanayey Maamul u sameynta Gobolka banaadir iyo qaabka dowladu ula dhaqanto maamulgoboleyda qaarkood oo ay sheegeen in ay saluugsan yihiin .

Iyadoo Mudooyinkii ugu dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegayay  in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay faro-gellin  ku heyso Maamulada Galmudug iyo Hirshabebelle iyo Koofur Galbeed ayaa maanta Waxgaradka Culima u diinka Haweenka iyo Dhalinyarada ka soo jeeda Maamulada  Hirshabelle iyo Galmudug  waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Caasimadda ee  Muqdish, kulankaas oo ay sheeegeen in ujeeedka laga leeyahay uusan aheyn in dowladda la dumiyo ,balse uu yahay mid lagu doonayo in la saxo qaladadka jiro.

Waxgaradka ayaa ku  celceliyay in dhibato badan laga soo maray dhismaha Maamuladaas Muruq iyo Maalna ay ku baxeen  dowladduna ay isku dayeyeso in ay burburiso kolkii ay taareeri laheyd.

waxgaradkii madasha ka hadlay ayaa isku aragti midaysan ka qaatay in in la dhiso maamulka |Gobolka Banadir waxayna intaa ku dareen in  ay dulman yihiin maamulada hirshabe iyo galmudug state iyaga oo madaxda sare ee dowlada ugu baaqeen in ay fara galinta ka daayaan waxaana ka mid ahaa hadaladood in ay dowladu fara galinta ka deyso maamul goboleyda

ugu danbeyntii waxaa gogosha wada tashiga laga soo saaray bayaan ay ku mideysan yihiin oo uu saxaafada u aqriyey   Xildhibaan Mahad cabdi dhoore oo k atirsan Xildhibaanada maamulka Koofur galbeyd somaliya ……

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.