Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay taageerada ay dowladda Turkiga siiso dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qodobadii ay ku heshiiyeen xili uu safar ku tegay Gudaha dalkaasi Turkiga.
“Waxaan ugu hambalyeynayaa Dawladda, Shacabka iyo halgamayaashii dalka Turkiga maalinta xoriyadda dalkooda oo dadaal dheer ay u galeen sidii ay isaga qaadi lahaayeen heeryada gumeysiga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre oo si gaar ah hambalyo ugu diray Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay garab istaagooda dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxuna tilmaamay in doorka Turkiga ee Soomaaliya uu wax weyn ka beddelay xaaladda Soomaaliya.
“Dawladda Turkiga waxaan si gaar ah ugu ammaaneynaa garab istaagoodii waqtigii adkaa iyo sidii ay indhaha caalamka noogu soo jeediyeen, xiliyadii ay dalkan soo wajahday xaaladaha adag oo ugu danbeysay qaraxii bishan ka dhacay Muqdisho oo door lama ilaa waan ah ay ka qaateen” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Bekar ayaa xusay in Jamhuuriyada Turkiga ay ka go’an tahay mar waliba iney taageeraan Walaalahooda Soomaaliyeed ayna ku garab istaagaan sidii ay mar kale cagahooda isugu taagi lahaayeen.
Munaasadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Madaxweyne-yaasha dawlad gobolleedyada Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo dhammaantood hambalyo ku aadan maalinta xoriyadda u diray dawladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.
Kheyre,ayaa sheegay in ay ka mid ahaayeen heshiiska Turkiga uu la galay dowladda Federaalka Soomaaliya.
1: In la sii adkeeyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.
2: in la bilaabo ka wada Shaqeynta kobcinta dhaqaalaha isla markaana la sameeyo laba Golle dhaqaale oo labada dowladood ka wada socda.
3:In ay Gacanweyn ka qaataan amniga dalka isla markaana ay wax kala qabtaan dowladda Soomaaliya.
4: la isku furo labada Wadan si Ardayda Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay wax uga soo bartaan dalka Turkiga iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaare kheyre waxa uu ka sheegay Munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 94-aad ee ka soo wareegatay xiligii ay xurnimada qaadatay Jaamhuuriyadda Turkiga.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.