Al Shabaab oo Shaacisay Magaca Ninkii isku qarxiyay Hotelka Naasa Hablood 2
Xarakada Al Shabaab ayaa shaacisay wareysi laga qaaday mid kamid ah ragii weerarka ku qaaday Hotelka Naasaha Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.
Weerarka lagu qaaday Hotelka Naasaha Hablood 2 oo isugu jiray mid ismiidaamin iyo mid toos ah waxaa fuliyay dhowr dagaal yahan oo katirsan Kooxda Al Shabaab.
Idaacada ku hadadsha afka kooxda Al Shabaab ayaa wareysi la yeelatay Xuseen Rukow Maadeey oo ahaa ninkii waday gaarigii ku qarxay afaafka hore ee Hotelka Naasa Hablood.
Ninkan ayaa Wareysiga uu dhiibay ku sheegay in uu ku fasaxsan yahay howlgalka uu fulinayo, waxa uuna kula dar daarmay saaxiibadiis kale in a dagaalka sii wadaan.
Ninkan oo magaciisa ku sheegay Xuseen Rukoow Maadeey oo alshabaab u taqaan Carab waxa uu ku sheegay Qabiilkiisa Beesha Gaaljecel, isagoona sheegay in Hooyadiis ay kaligiis ka dhashay Wiil, isla markaana ay dhabarka ka soo dharbaaxday markii uu u sheegay inuu is qarxinayo.
Mar uu ka hadlayay Sababta uu isku qarxinayo waxa uu ku sheegay inuu ka carooday Gabdhaha Soomaaliyeed oo uu sheegay in loo diiday inay Indhashareer xirtaan, gacmahana Goloofis gashadaan, taasna ay ku qasabtay inuu is qarxiyo si uu u xoreeyo,
Carab waxa uu sheegay inuu jecelyahay Hooyadiis iyo Aabihiis, isagoona ka codsaday inaysan ooyin, maadaama uu sheegtay inuusan dhiman oo uu Shahiiday, Wuxuuna aaminsan yahay inuu Maalinta Qiyaamo u Shafeeco Qaadayo.
Weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasaha Hablood 2 waxaa ku dhintay ku dhawaad 30-qof oo isugu jira Masuuliyiin iyo dad shacab ah ay ku jiraan caruur iyo Haween.