Wararka imaanaya Galbeedka Magaalada Baladweyne ayaa Sheegaya in Dagaal Culus maanta ku Dhexmaray Tuulooyin hoostaga Deegaanka Farlibaax ee Gobalka Hiiraan Maleeshiyaad Deegaanka ah iyo Al-shabaab kaasi Dhaliyey Qasaare Dhimasho iyo Dhaawac sida ay Idaacada Simba u Xaqiijiyeen Ilo Deegaanka ku Sugan.
Meelaha Dagaal uu ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah Tuulada Buq-goosaar halkaasi ay Weerareen Maleeshiyaadka la Magac Baxay West-land ee Maalmula Deegaanka Farlibaax qof ka tirsan Dadka Deegaanka ayaa Idaacada Simba u Sheegay in Dagaalkaan uu Dhaliyey Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac.
Ma jiraan Ilo ka Madax Banaan labada Dhinac oo Xaqiijin kara Tirada Dhimasho iyo Dhaawac.
Linkiga Hoose ka dhageyso Codka