xili ay waxyeelo badan ka soo gaartay qaraxyadii Muqdisho ka dhacay dad aad u badan ayaa hadane ay u sii kala jilicsan yihiin waxaana jiran caruuro badan oo ku waayey waalidiintoodii ku howlanaa koriimada iyo waxbarida ubadkooda .
bulsho weynta soomaaliyeed oo jawaabeysa baaqyada masuuliyinta dowlada u jeediyeen ayaa somali ku kala Nool dalalka caalmka qaarkood waxay kaalmo lacageed u direen ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaas
hadaba Axmed Shikh Cali oo ka mikd ah dadka la la soo xariiray ayaa sheegay in gabdho ku nool dalka Swedan ay u soo wakiisheen qadar lacageed oo gaareysa $2000 in uu y geeyo
qaar ka mid ah qoysaska waana kan isaga oo noo faahfaahinaya wuxuu yiri
Faadumo Cali Buube oo heysata 5 aruura oo aabahood qaraxa uu ku dhintay isaga oo mooto bajaajkiisa afgooye looga soo kireystay xili uu marayey Isgoyska Zoobe ayaa u mahadcelisay gabdhaha reer swedan ee deeqda lacageed u soo dire
Xaaji cumar ayaa iskuugu daray gabdhaha duco iyo mahadcelin waxaana wajigiisa laga dhaahanayey murugada iyo uur ku taalada uu ku reebay qaraxii ay ku geeriyoodeen labadiisa ilmood wuxuuna ku dhartay in uusan mar danbe u laaban doonin dukaan uu halaa ku lahaa