Home Afsomali Sacuudiga oo Xabsiga dhigay in ka badan 10 amiir 4 wasiir iyo...

Sacuudiga oo Xabsiga dhigay in ka badan 10 amiir 4 wasiir iyo taliyayaal ciidan oo lagu eedeeyey dhimashada 130 qof oo ku dhimatay Magaalada Jiddah

Amiiro Sacuudi ah ayaa ku jira tobaneeyo loo qabqabtay ololaha cirib tirka musuqa.

Amiirka dhaxal sugaha ayaa wacad ku maray in uu la dagaalamayo asalraacnimada iyo musuqa ku baahay bulshada Sacuudiga dhexdeeda si isku mid ah.

Waxaa shaqadii laga cayriyey wadaado Wahaabi ah oo baahinayey fekradaha argagixisada iyo amiiro ku takri falayey hantida dadweynaha.

Amiirku waxaa uu sidoo kale wacad ku maray in uu isbedel ku sameyn doono Boqortooyadda Sacuudiga ee musuqa iyo xagjirnimadu ku xidideysteen.

Wararka ka imaanaya Dalka Sacuudi Arabiya ayaa waxa ay sheegayaan in in ugu yaraan 11 Amiir oo dhaxal sugayaal ahaa iyo 4 Wasiir oo ka tirsana Boqortooyada Sacuudi Arbiya Xabiga loo taxaabay.

Mas”uuliyiinta la xiray ayaa waxaa oogay Musuq ay ku sameyeen Gurmadkii Daadadkii Sannadkii 2009-kii ku dhuftay magaladda Jiddah kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 130 qof oo badankooda u dhashay Dalka Sacuudi Arabiya,waxa sidoo kale Daadadkaasi ka dhasay Khasaaro Hantiyadeed oo aad u fara badan.

Dhanka kale waxa Xusid mudan in Dadka la xiray uu ku jiro Maalqabeenka Amiir Waliid Bin Talaal kaas oo sidoo kale lagu edeyay in wax ka ogaa arimahaasi.

Sidoo kale Madixii Ilaaladda Qaranka Sacuudiga, Amiir Metab Bin C/llaahi, iyo Taliyihii Ciiddanka Badda, C/llaahi Al-suldaan iyo Wasiirkii Dhaqaalaha, Caadil Fakiyeh waxaa laga wada qaaday Xilalkii ay hayeen.

Warbaahinta ka howlgasha Gudaha Dalka Sacuudi Arabiya ayaa waxa ay si aad ah uGu faalonayaan talaabada Boqortooyada Sacuudiga ay qaaday.

 

dhanka youtube a  ttps://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.