Home Afsomali Caqabad hor leh oo ku soo baxday taalabo uu horey u qaadi...

Caqabad hor leh oo ku soo baxday taalabo uu horey u qaadi lahaa Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo khilaaf hareeyey

Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka taagan yahay Magacaabista Golaha Wasiirada uu maamulkaasi yeelanayo.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku guda jira Wadatashiyadii ugu dambeeyay ee magacaabista Golaha Wasiirada cusub uu maamulkaasi yeelanayo.

Sida aan Wararka ku helnay Madaxweynaha Hirshabelle ayaa doonaya in uu yareeyo tirada golaha Wasiirada maamulkaasi, waxa uuna doonayaa in uu kusoo koobo 15-Wasiir iyo 15-kuxigen iyo 4 Wasiiru Dowle.

Qorshaha uu Madaxweyne Waare ku doonayo in uu ku yareeyo Golaha Wasiirada waxaa kasoo horjeestay Madaxweyne Kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ,kuwaa oo ugu baaqay in Golaha Wasiirada ay noqdaan ugu yarana 20-Wasiir ama ka badan.

Kulan wadatashi ah ay xalay Jowhar ku yeesheen Madaxweynaha Hirshabelle iyo Gudomiyaha Baarlamaanka ayaa fashil kusoo dhamaaday kadib markii labada masuul ay  isku fahmi waayeen tirada Golaha Wasiirada.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe oon isna aanan ku qanacsaneyn tirada yar ee laga dhigayo Wasiirada Hirshabelle oo hada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in Jowhar deg deg ugu laabto.

Magacaabista Golaha Wasiirada oo la filayay in saacadaha soo aadan dhacdo ayaa laga yaabaa in dib u dhac maalmo ku yimaado kadib markii Madaxda ugu sareysa Maamulka isku fahmi waayeen tirada Golaha Wasiirada.

Waxaa sidoo kale Madaxda isku heestaan xubnaha Golaha Wasiirada laga dhigayo, waxaana masuul kadsta uu rabaa in Golaha Wasiirada kamid noqdaan xubno iyaga wataan oo asxaab dhaw la ah.

Lama oga in Madaxweynaha Hirshabelle uu qaadan doono go’aan adag uuna magacaabi doono tiro yar oo Wasiiro ah iyo in Madaxweynaha uu go’aankiisa wax ka bedeli doono uuna Wasiirada badin doono.

Dad badan ayaa isweediinaya halka lacagta looga keenayo hadii Wasiirada maamulkan tirada laga badiyo, mana jiro ilo dhaqaalo rasmi ah uu maamulkan leeyahay , waxaana Mushaar aan bilooyin qaadan Xildhibaanada iyo Wasiiradii hore ee maamulkaasi.

u.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.