Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Kheyrre iyo Sheekh Shariif oo Muqdisho ku wada arinsaday (...

Ra’iisul Wasaare Kheyrre iyo Sheekh Shariif oo Muqdisho ku wada arinsaday ( DAAWO SAWIRADA )

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa  Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kala hadlay Shariif Xaaladda Soomaaliya iyo sidookale sidii uu kaga qeyb qaadan lahaa dejinta Xiisaddaha kala duwan ee ay wajaheyso Xukuumadda Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa ka mid ah Shaqsiyaadka ah sameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu dhawaan dib ugu soo laabtay Soomaaliya

Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo aan ka wada hadalnay arrimaha dalka”ayuu yiri Ra’iiul Wasaare Kheyre.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana tan iyo markii ay dhacday doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo uu ahaa mid deegaan ka dhiganayay Muqdisho, inkastoo dhowr jeer safaro uu dibadda ku aaday dib u soo laabtay.

Waxaa sidoo kale soo baxayay maalmihii lasoo dhaafay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay xil u magacowdo Sheekh Shariif.

Waxaa uu ka mid ahaa sidoo kale Musharaxiinta ugu sameynta badnaa doorashadii uu kusoo baxay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.