Home Afsomali G/le sare Maxamed Daahir oo xilkii laga qaaday xabsi gurina...

G/le sare Maxamed Daahir oo xilkii laga qaaday xabsi gurina la galiyey ka dib markii ….

Taliyihii Ciidanka Boliiska Qeybta Galbeed G/le sare  Maxamed Daahir ayaa xilka laga qaaday kadib markii uu feeray ku simaya taliyaha Booliiska  General Mukhtar Xuseen Afrax .

Gacan qaadka ayaa dhacay 4 maalin ka hor markii iyagoo shir ku jira uu Maxamed Daahir ka horyimid awaamir la siiyey oo nabadgelyada caasimada quseeya.

saxaafada ayaa ogaatay in Maxamed Daahir markaa kadib xabsi guri la galiyey.

Gaashaanle Sare Maxamed Daahir ayaa xilka laga qaaday ka gadaal markii iyagoo shir ku jira uu ka amar diiday Taliyaha Booliska, is maan dhaaf keddibna uu Gacan u qaaday.

Afar maalin ka hor ayey aheyd markii Maxamed Daahir uu gacanta u qaaday Taliyaha KMG ah ee Booliska Soomaaliyeed Muqtaar Xuseen Afrax, iyadoo ugu dambeyna maanta xilkii uu hayay ee ahaa Taliyihii qeybta Galbeed ee Muqdisho laga qaaday.

Xilkaas ayaa la sheegayaa in loo magacaabay Qaasim Axmed Rooble oo ka mid ah Saraakiisha Booliska Soomaaliyeed, intaas ka hor waxaa Xabsi guri ahaa Maxamed Daahir sida Xogdoonnews ay ogaatay, waxaana loo heystay sababta uu gacanta ugu qaaday Taliyaha amar diiddo keddib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.