Home Afsomali Dhageyso RW Kheyre oo mar kale ciidamada u balan qaaday in ay...

Dhageyso RW Kheyre oo mar kale ciidamada u balan qaaday in ay helayaan Xaqa iyo Xaquuqdooda Ciidan kuna booriyey in ay si daacad wadaniyad ku dheehan tayay shacabka ugu qidmeeyaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa xalay saq dhexe kormeeray baraha Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa xasilinta ay ku leeyihiin caasimadda Muqdisho.

Kormeerkan ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre  waxaa ku wehliyay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaalle (Islow) iyo Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay soo maray xaafadaha Muqdisho oo ay ka mid yihiin Miisaanka-dhuxusa, Daaru-salaam, Ex-control, Gubta, xaafado ka tirsan degmooyinka Deyniile, Howlwadaag iyo Kaxda.

Wuxuu Khayre ku boorriyay Ciidamada in ay sii kordhiyaan howsha wax tarka leh oo ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda.

Kheyre ayaa markii uu soo gaba gabeeyay kormeerkaasi waxaa warbaahinta kula hadlay xarunta CID-da, wuxuuna sheegay Dowladda Federaalka in ay ka shaqeyneyso sidii loo dhameystiri lahaa xuquuqda Ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.