Home Afsomali Dhageyso digninta Dowlada ee ku wajahan Wariyaasha iyo Hoteelada

Dhageyso digninta Dowlada ee ku wajahan Wariyaasha iyo Hoteelada

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar isloow Ducaale oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa soo saaray digniino uu sheegay in ay quseeyaan dhanka Sugida Amniga.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan Wariyayaal dacaayado iyo Warar been abuur ah ka fidiyo madaxda dowladda isla markaana taasi aan loo dulqaadan doonin.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka hadlay shirar uu sheegay in lagu qabto Hoteelada Muqdisho taas oo aysan ka warqabin dowladda.

“Waxaan ognahay in shirar aan dowladda ka warqabin lagu qabto hotelada Muqdisho,hadaba waxaan uga digeyna Milkiilayasha Hotelada in taasi aysan ogolaadaan,waxana uga gol leenahay in aan ilaalino amniga ee maahan in aan caburineyno Milkiilayaasha Hotelada ayuu yiri Wasiir Ducaale”

“Waxaa jira dad baahinayay warar asyan cadeyn u heyn kuwaas oo madaxda ka eben sheega.mararka qaarna baahiya in qaraxyo lagu xiray Gawaarida AMISOM ay ku jiraan Magaalada lagamana aqbali doono ayuu yiri Wasiirka”

Sigaar ah waxa uu sheegay in ay jiraan Wariyayaal baahinaya Warar sal iyo rad aan midna laheyn isla markaana talaabo Sharci ah laga qaadi doono hadii ay joojin waayaan sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.