Home Afsomali VIDEO Madaxweyne farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Gaaray Magaalada Sharma...

VIDEO Madaxweyne farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Gaaray Magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar ( DAAWO SAWIRADA )

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha JFS Maxamed Cadulahi farmaajo ayaa gaaray magaalada Sahrma Sheikh  halkaas oo ay kaga qeybgalayaan Shirka Ganacsiga ee wadamada dhaca qaarada Afrika.

Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar waxaa  ka furmaya shir wadatashi ah oo ku aadan arrimaha horumarinta ganacsiaga Qaaradda Africa oo ay martigelinayso dowladda Masar.

Soomaaliya waxaa uga qebgalaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya,  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaaladaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa siweyn loogu sooo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Sharma-Alsheekh,waxaana soo dhaweyeey diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Masar iyo madax katirsan dowladda dalkasi.

waxaana Wafdiga madaxweynaha jfs ka mid ah marwada kowaad ee dalka Zaynab Cabdi Macalin iyo Wasiirka Arimaha dibadda, qorsheynta iyo iskaaahiga caalamiga XFS iyo mudnayala katirsan barlamaanka federaalka.

Ujeeda socdaalka madaxweynha jamhuuriyadda ee dalka Masar ayaa ah kaqeygalka shirka caalamiga ee ganacsiga Afrika kaas oo laga hadli doono maalgashiga qaarada, abuurista shaqooyin dhalinyarada kunool qaarada afrika iyo arrimo kale oo quseeya Hormarinta Bulshada Afrika.

waxaa shirka uu socon doonaa muddo 2 maalmood ah

Dolwadda Soomaaliya ayaa wafuuda shirkan oo isugu jira madaxda ,ganacsato dolwadaha Afrika iyo maalgashadayaal caalamka oo idil kasocda ayey hordhigi doonta fursadaha maalgashi ee kajira dalkeeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.