Fagaare kuyaal deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa maanta gelinkii dambe ka dhacay Xukun Gacan goyn ah oo lagu fuliyay ruux fal xatooya ah ku kacay.
Maxkamadda Islaamiga deegaanka Kuun Barroow ayaa la hor geeyay Nin lagu eedeeyay in uu hanti kumanaan kun dollar ah ka dhacay guryo kuyaal deegaanka.
Qaadiga Maxkamadda Islaamiga ayaa goobti fagaarihii uu xukunku ka dhacayay ka akhriyay dambiga lagu helay Cabdi Fataax Cusmaan Axmed oo 19 sana jir ah.
Ninka Tuuganimada lagu helay ayaa qirtay in uu dhacay hanti isugu jirta lacag Kumanaan Dollar ah, dhar, Moobillo, Kumbiyuuterro iyo hanti kale, Ninkan tuugga ah ayaa jabsaday illaa 5 guri oo uu ka xaday hanti gaaraysa 5,000 Dollar (Shan Kun oo dollar), intaas kadib ayay maxkamaddu ku xukuntay in hal gacan laga gooyo sidoo kale waxaa lagu xukumay in uu dib usoo celiyo hantidii uu xaday.