Home Afsomali Faahfaahin Dheeraad ah oo laga helayo Weerar ismiidaan ah oo ka dhacay...

Faahfaahin Dheeraad ah oo laga helayo Weerar ismiidaan ah oo ka dhacay xarunta tababarka ciidanka Boliska iyo Alshabaab oo sheegtay Qasaaraha uu dhaliyey

War hordhac ah Askari ka tirsanaa Ciidamada Police-ka kana qeybgalayey Diyaar garoowga Munaasabada Ciidamada Police-ka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inuu isku dhex qarxiyay Gudaha Xarunta General Kahiye Gaar ahaan Goob Ciidamada ku tababaranayen Askar badan ayaa dhimatay Qaar kalena dhaawac ayaa soo gaaray Ilahay ha unaxariisto Hadiiba sidaan ayaa arintu u dhacday Cid dambe oo la aaminayo ma jito Dowlada Soomaaliya waa inay sameesaa baaris dhab ah oo ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo Saakay ka dhacay Tugsiga Tababarka Janaraal Kaahiye Ex Iskuul Buluusiya ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu fuliyay Nin isku soo xiray Walxaha qarxa, kaas oo dhex tagay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo loo diyaarinayay Dabaal daga Munaasabadda Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka Decemeber.

Waxaana xilligaasi Ciidamada Boolisku ay Gaardis ku sameynayeen Barxadda Tugsiga Tababarka ee Janaraal Kaahiye.

Qof ka mid ah Ciidanka Booliska ee ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa somalisan.com u sheegay in uu arkay dhimashada 7 Askari oo Booliis ah iyo dhaawaca in kabadan 10 kale.

Weli saraakkiisha Laamaha Ammaanka ayaa wada baaritaano dheeri aha oo ku aadan qaraxaasi.

War  kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayay ku sheegtay in qarax ay ku beegsatay ciidamo katirsan kuwa Boolis Somaaliya xilli ay safaf dhaadheer kujireen gudaha Xerada Jeneraal Kaahiye.

“Ciidamadeena ayaa ka danbeyay Qaraxan xooggan oo aynu ku beegsanay Ciidamo katirsan kuwa Booliska xilli ay safaf kujireen gudaha xarunta Tababarka Booliska Iskool Boliisiyo waxaana halkaasi ku dilnay ku dhawaad 30 Askari oo saraakiil sarsare ay kamid yihiin” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Qarax uu isku soo xiray Is-miidaamiyaha ayaa la eegtay ciidamo katirsan kuwa Booliska Somaaliyeed oo goobtaasi ku sugayey inay galaan Dugsiga Booliska Jenaral Kaahiye oo ay ka socotay diyaargarowga xuska maalinta asaaska ciidamada booliska oo maalma naga xegaan.

la soco wixii soo kordho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.