Home Afsomali Xili Ay Muqdisho ka dhacayaan dilal Qorsheysan Qaraxyo iyo ismiidaamin ayaa hadana...

Xili Ay Muqdisho ka dhacayaan dilal Qorsheysan Qaraxyo iyo ismiidaamin ayaa hadana Maalintii 7 ku dhax dagaalamayaan ciidamo dowlada ka wada tirsan halkii ay iskaashan lahaayeen

Aaaway taliyaashii Ciidamada aaway gudoomiyihii Gobolka Banaadir aaway gudigii amniga aaway Maxkamadihii ma sharciga ayaa hurda  Xalay ayay aheyd markii siyaabo kala duwan Magaalada Muqdisho ay kaga dhaceen Dilal loo geystay Askar ka tirsan Ciidanka Dowlada iyo Dadkale oo wali aan la garan Cida ay ka tirsan Yihiin.

Labo Askari oo kawada tirsan Ciidanka Dowlada ayaa waxa lagu kala dilay Xaafadda Afrikan Villag ee Degmada Hodan,halka mid kalana lagu dilay Degmada Wadajir ee isla Gobolka Banaadir.

halka Ruuxa Saddaxaad lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir hayeeshee wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya goobaha dilka ay ka dhaceen ayaa sheegaya inay ka socdaan Howlgalo Culus oo ay wadaan Ciidamo ka tirsan dowlada soomaaliya.

waxaana lagu waramayaa inay ku baadi goobayaan ragii dilalkaasi geystay ialamarkaana isaga baxsaday goobaha ay falalkaasi ka fuliyeen.

ilaa iyo hada lama oga cid loo soo qab qabtay dilalkaasi xalay ka dhacay dagmooyinka qaar Ee magaalada muqdisho laamaha amniga ee dowladana kama aysan hadlin dilalkan ku sii badanaya Magaaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.