Home Afsomali Dhageyso Janaraal Muqtaar 18 dhimasho 15 dhaawac ninka isku qarxiyey Dugsiga tababarka...

Dhageyso Janaraal Muqtaar 18 dhimasho 15 dhaawac ninka isku qarxiyey Dugsiga tababarka Bolice0ka Ciidanka ka mid ma aheyn wuxuuna ka soo dhaxbaxay buushashka dhaxdooda

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ahna taliye ku xigeenka Ciidanka Jenaraal Muqtaar  Xusen Afrax ayaa faah faahin ka bixiyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay Dugsiga tababarka ciidanka Booliiska ee Jenaraal Kaahiye.

Jenaraalka ayaa sheegay in qofka isqarixiyay uu Ciidanka soo dhexgalay isaga oo watay dharka ciidanka xili ay ku jireen quraac isla markaana isku diyaarinayeen xuska Aas aaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo ku beegan 20, Bishaan December

Waxa uu sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen ilaa  18 Askari halka 15 dhaawacyihiin isaga oo sheegay in idaacadaha qaar wararka ay baahiyeen ee ahaa in ay geeriyoodeen Ciidamo aad u farabadan isla markaana iyagu ay xaqiiqada hayaan.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in maalmahaan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay hayeen howl adag isla markaana ay soo qabteen dad lagu eedeyay falal amnidaro iyo sidoo kale kuwo qaraxyo lagu qabtay arrintii Maanta dhacdayna ay sugayeen.

Hoos Ka Dhageyso Codka Jenaraal Muqtaar Xusen Afrax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.