Saraaakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo tababar kusoo qaatay dalka Uganda ayaa dalka dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
55ka Sarkaal ee tababarka soo dhameystay ayaa waxaa safarkooda ku wehliyey Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ah Wasiirka Wasaaradda Gashaandhiga dowladda Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Difaaca dowladda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo saxaafada hadal kooban ku siiyey gudaha garoonka ayaa Xusay in saraaliishaan ciidan ee cusub ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
milatarga Uganda ayaa si weyn uga qeyb qaadataakuleynta iyo tababaradda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed , Saraakiisha ciidamada dowlada somaliya ayaa sanadihii danbe ahaa kuwa tababaro kale duwan ku soo qaata dalka dibadiisa dalkaasi.