Home Afsomali Turkiga oo dhisaya Cududa Milatari ee Dalka Soomaaliya ( DAAWO SAWIRADA...

Turkiga oo dhisaya Cududa Milatari ee Dalka Soomaaliya ( DAAWO SAWIRADA )

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin jabiya Kulliyadda Tababarka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya (Turky-Som).

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey dowladda Turkiga dadaalka ay la garab taagantahay dowladda Soomaaliya taas oo ay qeyb ka tahay tayeynta iyo dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida.

“Waxaan idiin haynaa abaal weyn oo ku aaddan sida qiimaha badan ee aad noo garab istaagteen. Siyaasaddeena arrimaha dibadda waa mid ku saleysan iskaashi cid walba u furan.”

Madaxweyne Farmaajo oo si gaar ah ula dar daarmay ciidankan oo dhammaytay dhammaan tababarrada ciidanka Lugta “Efenteri” ayaa faray in ay ka soo dhalaalaan himillada iyo shaqada ay ka sugayaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaad tihiin kuwa aan dooneyno in ay asaas u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin dhaqanka iyo anshaxa ciidannimo.”

Sidoo kale, munaasabadda waxaa khudbado ka jeediyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyeyaasha iyo Howl-wadeennada Kulliyadda.

Saraakiisha iyo Askarta tababarkan qaadatay ayaa u soo bandhigey Madaxweynaha dhoolla tus ay ku muujinayaan xirfaddooda iyo sida ay ugu diyaarsanyihiin difaaca iyo u adeegidda dalka iyadoona uu guddoonsiiyey abaal marinno askarta kaalimaha hore ka galey tababarka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha waxaa loo soo bandhigey qalabka iy

 hubka dufacaddan, isagoona kormeeray fasallada iyo goobaha ay tababarka ku qaataan ciidamada.

 E2I1831
 E2I1372
 E2I1893
 E2I1948
 E2I1907
 E2I1933
 E2I1961
 E2I1816
 E2I1771
 E2I1798
 E2I1632
 E2I1777
 E2I1699
 E2I1727
 E2I1633
 E2I1472
 E2I1470
 E2I1543
 E2I1426
 E2I1458
 E2I1389
 E2I1402
 E2I1386

 

 

 

 

 

 

 

 

-DHAMMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.