Home Afsomali Fanaanada Khadiijo Cabdullaahi Daleys Oo ku Geeriyootay dalka Kanada

Fanaanada Khadiijo Cabdullaahi Daleys Oo ku Geeriyootay dalka Kanada

Waxaa dalka Kanada ku geeriyootay Allaha u Naxariistee Fanaanadii Khadiijo Cabdullahi Daleys oo ka mid aheyd Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Sanadihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Dibadiisa.

Fanaanada ayaa ku xanuunsaneysay dalka Kanada taas oo ugu dambeyn ay ku geeriyootay sida ay xaqiijiyeen eheladeeda

Fanaanada ayaa Allaha u naxariistee waxa ay ka mid aheyd fanaaniinta ugu facaweyn fanka Soomaaliya iyada oo lagu xasuusto ka qeyb qaadashada Riwaayado farabadan iyo heeso ay qaado

Fannaanaddii Qaranka Khadiijo Cabdullaahi Dalees oo saacado ka hor ku geeriyootey dalka Canada, waxa ay aheyd gabadhii ugu horreysay ee Koonfur Soomaaliya hees ka qaadda, sannadkii 1952-kii ayaa heesteedii ugu horreysay looga qabtay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wixii ka dambeeye burburkii dalka waxa ay ku nooleyd dalka Canada, waxaana lagu xusuustaa in ay u ololeyn jirtay nabadda iyo Midnimada ummadda Soomaaliyeed

Innaa Lillaahi wa Innaa Illeyhi Raajucuun

Khadiijo Cabdulaahi Daleys oo maanta geeriyootay iyo Shamis Abuukar Guduudo Carwo oo 7 December 2017 geeriyootay waxay kala ahaayeen labadii gabdhood ee u horreeyey ee ka heesa Radyaw Hargeysa iyo Raadyaw Muqdisho
Alle labadoodaba ha janneeyo

sida heesta.

Muruqiina maalo

dhulka miro ku beera

Macdanta, dahabka

Muujiya wanaagaay

Fanaaniinta Somaliyed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Khadiija Daleys oo haldoorka Fanka Somaliyed ka mid aheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.