Home Afsomali Qaramada Midoobay oo RW Xasan Cali Kheyre u Sheegtay in dalka somaliya...

Qaramada Midoobay oo RW Xasan Cali Kheyre u Sheegtay in dalka somaliya u Baahana yahay $1.6 Bilyan oo Doollarka Mareykanka ah Sanadkan 2018ka

Qaramada Midoobey ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah furtay shir looga hadlayo qorshaha arrimaha bani’adamnimada Somaaliya ee 2018.

Shirkan waxaa ka qeybgelaya Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Soomaaliya,Xildhibaano,danjirayaasha Waddamada safaaradaha ku leh Muqdisho iyo wakiillo ka socda hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya.

Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in Soomaaliya u baahantahay $1.6 Bilyan oo Doollarka Mareykanka ah Sanadkan 2018ka si loo gaaro 5.4Milyan oo qof oo gar gaar u baahan.

Qaramada Midoobey waxaa ay Sanadkii hore sheegtay in kala bar dadka Soomaalida ah ay u baahnayihiin gargaar kaddib abaaro isku xig xigsaday oo saameyn ku yeeshay dadka xoola dhaqatada iyo kuwa Beeraleyda ahba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.