Mid ka mid ah hudheelada magaalada muqdisho oo aan aniga iyo nin saaxiibkey ah ka dalbanay laba koob oo kubashiin ah ayaa nala soo hordhigay labadaan warqadood
Si aan u aqrsano ayaan u qaadaney balse ka dib markii aan cabnay oo ayaa n loo sheegay in aan ku darno lacagta canshuurta ah ee warqada ku qoran.
Ninkii ila socday wuxuuba ka dhaartay in uu ku daro koobka shaaha ah ee uu cabay sentiyo canshuur ah.
Waxaa loo sheegay in warqada uu aqristay ay arintaan ku qoran tahay islamarkaan la rabay haduu diidayo in uu waxba cabin laakiin hada uu ku qasban yahay in uu bixiyo.
Dood dheer ka dib waxaan isku qancinay in aan bixino oo aanan arintaan ka hordhicin cidii ka murmeysane dib laga arki doono.
Dadka qaarkii ayaa isweydiinaayo xiligaan in ay ku haboontahay in maciisha waxyaabaha quutal daruuriga ah qiimo la dulsaaro taasi oo taabaneysa cid kasta oo ku nool magaalada muqdisho oo kaliye waxayna doodooda ku darayaan in aysan la qabin magaalooyinka kale ee ka gdhow xamarta canshuurteeda loo qeybiyo gobolada kale ee dalka
Canshuurta noocaan ah dadka dibadaha ka yimid ay sheegeen in ay ka jidho wadamada caalamka balse midaan aan la ogeyn qaabka ay ugu dhaceyso qasnada dowlada waxaana magac ahaan loo bixiyey shantii cent ee wasiir beyle