waxaa go.doonsan oo diyaarado kaliye la iskaga gooshaa marka laga reebo magaalooyinka kala ah Balad xaawo luuq iyo doolow inta kale sida Ceel cade ceel waaq buurdhuubo garbahaarey iyo Baardheere
Guddoomiyaha deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo Cabdirashiid Cali Cabdi Qoorleex ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay soo gaareen deega Ceel Cadde iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Gedo, kuwaas uu sheegay in ay dhibaateynayaan dad deegaanadaas ku nool.
Qoorleex ayaa sidoo kala sheegay in ay wadaan qorshe balaaran oo ay doonayaan inay kaga hor tagayaan dagaalamayaasha Al-shabaab ee deeganada ka tirsan Gobolka Gedo ku soo qol qulaya.
Wuxuu sheegay in qorshahaan ay wadaan in uu ka dhashay ka dib markii ay arkeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo oo go`adoonsan oo ay go`adoomiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
Guddoomiyaha deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo Cabdirashiid Cali Cabdi Qoorleex wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in go`adoonka deegaanadaas ay keentay in leysku socon waayo dadkina ay gacanta u galaan gumeysi ay ku hayaan Al-shabaab.
Halkaan Ka dhageyso Hadalka gudoomiyaha deegaanka Ceel Cadde gobolka Gedo.