Home Afsomali Shirkada hormuud oo Mtoor Cusub gudoonsiisay Ispitalka Xaawo Cabdi ( DAAWO SAWIRADA...

Shirkada hormuud oo Mtoor Cusub gudoonsiisay Ispitalka Xaawo Cabdi ( DAAWO SAWIRADA )

Hormuud Foundation oo matoorka dabka dhaliya ispitalka iyo tuulada xaawo Cabdi ee Duleydka Magaalada Muqdisho,iyada oo matoorkii hore cilad ka gashay xili ay tuulada dagan yihiin 450 qoys oo ay iskuugu darmatay biyo iyo koronto la.aan baahday

matoorkaan dab dhaliyaha  ah ayaa waxaa  gudoonsiiyey Maamulaha Hormuud foundation Cabdulaahi Nuur Cusman waxaana ka gudoomay matoorka shirkadu ugu deeqday ispitalka iyo Xaafada xaawo cabdi  faarax Cabdi oo ka mid ah maamulka ispitalka Xaawo cabdi

dadka deegaanka iyo maamulka ispitalka xaawo cabdi oo magaalada Muqdisho u jira ilaa 20 KM ayaa sheegay in ay baahi weyn u qabeen matoor sidaan oo kale ah balse ay awoodi waayeen taas oo keentay in ay weydiistaan shirkada hormuud matoor

shirkada oo ka jawaabeysay dalbka codsiga ah ee uga yimid ayey u suurta gashay in ay ku tabarucaan matookaan si uu ugu shaqeeyo bulshada ku dhaqan deegaankaas

ispitalka xaawo Cabdi ayaa la sheegay in uu bulshada lacag la.aan ku daaweeyo isla markaana ay ka helaan biyo la cabo oo nadiif ah waxayna intaba ka heli doonaan dadka deegaanku matoorkaan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.