Home Afsomali Sarkaal dhawaan tababar ciidan ku soo qaatay dalka talyaaniga ayaa toogasho...

Sarkaal dhawaan tababar ciidan ku soo qaatay dalka talyaaniga ayaa toogasho lagu dilay Gudaha Muqdisho

 

ismaaciil-axmed-cismaan

Kooxo basoolado ku hubeysan ayaa madaxa ka toogtay  Gaashaanle sare ismasaciil Axmed Cismaan oo ahaa Ku simaha hogaanka kormeerka Ciidanka Bolice-ka xili uu marayey agagaarka Suuq-yaraha Sargaduuda ee degmada Waaberi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay oo ka koobnaa labo nin ay horey u sii qaateen Mobile uu watay sarkaalkan dilka ka dib, iyagoo ka dibna goobta ka baxsaday.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa daqiiqado ka dib gaaray goobta lagu dilay sarkaalkan, iyagoo sameeyey howlgalo ay ku xirxireen dhalinyaro fara badan oo ka tirsan degaanka kuwaasoo ay ku tuhmayaan iney ku jiraan kuwii dilka geystay.

Wararka ayaa sheegaya in Ismaaciil uu ka mid ahaa saraakiil dhowaan ka soo laabtay tababar dhowr bilood ay ku soo qaateen wadanka Talyaaniga, kuwaasoo ay dirtay dowlada Somalia.

Gaashaanle sare ismaaciil Axmed Cismaan hogaanka kormeerka  ayey sidoo kale wararku sheegayaan inuu ka mid ahaa milkiilayaasha mid ka mid ah Shirkadaha luuqada Soomaaliga ku Turjuma aflaamta Hindiga taasoo lagu magacaabo ISMAYUU.

Ma jiro illaa hadda war ku saabsan dilkan oo ka soo baxay laamaha amaanka dowlada hase ahaatee waxaa uu qeyb ka yahay dilal isdaba joog ah oo maalmihii la soo dhaafay Muqdisho loogu geystay saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

More VIDEOS https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.