Home Afsomali Dhageyso Cabdi waran oo ceebeeyey B ashiir goobe sheegayna in Ciidanka Asluubtu...

Dhageyso Cabdi waran oo ceebeeyey B ashiir goobe sheegayna in Ciidanka Asluubtu ay ku leedahay 9 bilood mushaarkood

Dhamme Cabdi Sheekh Cali Raage oo ah Kabtan Ka Tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay In uu cabasho ka yahay taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo uu sheegay in uu kaga maqan yahay mushaar 9 Bilood ah.

Waxa uu sheegay in isaga uu Ciidamada Asluubta ka tirsanaa mudo 46 Sano ah isla markaana uu Ciidnka Asluubta ku soo biiray Sanadkii 1972 sidoo kalena Saraakiisha Ciidamada iyo Dableyda hadda la qoray ay isku mushaar yihiin.

Isaga oo ka hadlayay Cabashada uu qabo ayaa wax uu sheegay in Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xiligii ay jirtay uu ka maqan yahay mushaar 9 Bilood ah, Saddex Bilood oo Guno ah iyo arashin intaba xiligaasna uu taliye ka ahaa Ciidanka Asluubta Soomaaliya taliyaha cusub ee hadda la wareegay xilka  ee Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada kale ee dowladda aysan kala sineyn mushaar ku qaadashada darajooyinka maadaama iyaga Saraakiishooda iyo ciidamada intaba ay isku mushaar yihiin.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in shalay xili ay socotay Xaflada xil wareejinta taliyaasha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed uu doonayay in Wasiirka Cadaalada uu kala hadlo cabashada ay qabaan balse taasi ay u suurtagali weysay kadib markii Madaxdi oo dhan ay meel cidlo ah uga dhaqaaqeen.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.